Our Services

Our Services

Soomaali

Adeeega caruurta ee “Case Management” loo yaqaano

Gateway waxay bixisaa adeega caruurta da’dooda udhaxayso 1 ilaa 21 sano. Adeega daryeelka bulshada ee gateway waxaa uu kuu sahlaayaa in canugaaga la caaawiyo, ladhiiri geliyo si uu unoqdo mid isku filan mustaqbalka. Adeegan waxa udub dhaxaad u ah lashaqaynta waalidka caruurta. Mareeyaha adeega ee kasocda gateway waxaa uu si dhaw ula shaqaynayaa ama ula shaqaynaysaa iskoolka, waalidka iyo adeeg bixiyayaasha kale ee deeganka kajira. Waxaa sidoo kale uu hormuud kanoqonayaa/saa isudubaridka adeegyada caruurta kafaaidaysan karaan ee laga heli kara deegaankaaga.

Adeega dadka waa waawayn ee “Case management” loo yaqaano

Si lamid ah adeega caruurta Gateway waxay adeeg siisa dadka waaweyn ee uqalmo adeega. Si loo hubiyo in qofka uqalmo adeeg, Gateway waxay eegta xaalada qofka (assessment), kadibna waxaa lagu xiraa adeega uu uqalmi karo qofka ayadoo la eegayo natiijada. Hadii ay jiraan xaalado kugu abuurayo walwal, halmaan xad dhaaf ah, daal joogta ah, hurda la’aan, xanaaq fara badan, tabar yaraan, naxdin ama cabsi, am waxyaaba kale oo xaaladaaada nolaleyd wax udhimi karo fadlan nala so xiriir si aan uu egno in aan wax kula qaban karno.

Behavioral Health Services 

Adeegan waxaa ka faidaysan karo qaar kamid ah kuwa aan uqalmin adeega ka horeeyo eek or ku xusan. Fadlan la soo xiriir xafiiskanaga si aad u ogaato.

Counseling Services

Adeega la talinta ee dadka waawayn iyo caruurta. Adeegan hadii aad ubaahantay, nala soo xiriir fadlan.

Haynta dadka da’da ah ama dadka aan iskufilnayn sabab la xiriirta xanuun ama naafanimo awgeed.

Gateway waxay bixisaa adeega daryeelka dadka naafada ah ama kuwa da’da ah ee u baahan hayn (personal care services) ama loo yaqaano Home Healthcare Services. Fadlan nala soo xiriir hadi aad adeegan u baahantahay ama ehelkaaga ubaahanyahay.

Contact